Channel Avatar

Bidhaamiye TV @UCzcapt-Brm31cREJTAwweFA@youtube.com

6.1K subscribers - no pronouns :c

Welcome to the BidhaamiyeTV YouTube channel, This channel co


Welcoem to posts!!

in the future - u will be able to do some more stuff here,,,!! like pat catgirl- i mean um yeah... for now u can only see others's posts :c

Bidhaamiye TV
Posted 1 week ago

Macallinka kooxda Liverpool ee Arne Slot oo u dhashay dalka Holland ayaa ammaan iyo kalsooni ka helay taageerayaasha kooxda, kaddib markii muddo gaaban u soo hoyay guul waaweyn, waxaana ka mid ahaa 11-0 oo ku garaacay Pep Guardiola, Carlo Ancelotti, Xabi Alonso iyo Erik ten Hag:

2-0 vs Manchester City ✅
2-0 vs Real Madrid ✅
4-0 vs Bayer Leverkusen ✅
3-0 vs Manchester United ✅

#SlotLiverpool.Arne #SlotGuardiola #SlotCarloAncelotti #XabiAlonso #EriktenHag

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 4 weeks ago

Shabakadda tirakoobka cayaaraha ee Opta ayaa shaaca ka qaaday macallin Arne Sloat inuu dhigay rikoor cusub marka loo barbardhigo dhammaan tababarayaashii soo qabtay naadiyada Premier League ee Ingiriiska sannadihii u dambeeyay.

Macallinka reer Holland ayaa 15 guul la gaaray Liverpool 17-kiisii ​​kulan ee ugu horreeyay heer walba, wuxuuna ka sara maray Jose Mourinho iyo macallinka reer talyaani Carlo Ancelotti oo gaaray 13-guul.
Kooxda ayaa ku soo laabatay hoggaanka horyaalka iyadoo leh 12 dhibcood.

Waxa kale oo ay ka soo kabatay guuldaradii horyaalka Yurub kadib markii Talaadadii horre
Champions League ay (4-0) uga badisay kooxda Bayer Leverkusen .

Liverpool ayaa horyaalka Yurub illaa hadda guulo ka gaartay kooxaha Milan, Leipzig, Bologna iyo Leverkusen.

Ra'yigaaga ka dhiibo

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 1 month ago

Caawa fiidkii xilliga geeska Afrika, waxaa garoonka Anfield, kuwada cayaari doona kooxaha @Liverpool Vs @Chelsea.

Waa kulankii sideedaad ee horyaalka Premier League dalka Ingiriiska.

Labada kooxood ayaa isku mid ah tiro guulo ah horrey u gaaray, waxaana ay badiyeen 33 jeer, waxaana barbaro galeen 25-kulan.

Liverpool ayaa iminka hoggaanka horyaalka Ingiriiska ku ku heysa 18 dhibcood, oo lix jeer ayey guuleystay mar qura ayaa laga badiyay, halka Chelsea ayaa ku jirto kaalinta lixaad iyada oo leh 14 dhibcood.

Aragtidaada ka dhiibo

2 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 2 months ago

Guud ahaan deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka billowday olole lagu ilaalinayo badqabka wadooyinka laguna yareenayo shilalka gaadidka.
Sawirradan waa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida, halkaasoo uu ka socdo olole lagu ilaalinayo shuruucda wadooyinka.
Ololahan ayaa socon doona muddo bil ah.
Aragtidaada ka dhiibo
👇🙌 ‪@BidhaamiyeTV‬

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 2 months ago

Xuseen Bisad oo ah ninka labaad ee ugu dheer caalamka ayaa magaalada London ee dalka Ingriiska, waxa uu sawir kula galay fannaanadda Ikraan Caraale. haddaba bal sawirkan sheeko yar ka bixi maxaa kaaga baxay?

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 2 months ago

Xiddiga xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi, una cayaara kooxda Inter Miami, ayaa maanta oo Sabti ah garoomada lagu arki doono ka dib markii uu ka maqnaa in ka badan laba bilood sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray canqowga.

Macallinka xulka qaranka Argentina Gerardo Martino ayaa warkan u xaqiijiyay saxaafadda Jimcihii.

"Messi waa fiican yahay waana uu ku jiraa tababarka, waxaan u sameyn doonaa istaraatiijiyad isaga, laakiin waa diyaar."sidaas waxaa yiri macallin Martino.

Messi ayaa cayaari doona kulanka Inter Miami iyo Philadelphia Union.

Messi ayaa ka dhaawacmay canqowga midig intii lagu jiray cayaartii kama dambeesta ahayd ee Copa America 14-kii July, markaasoo uu Argentina ka caawiyay inay 1-0 ku garaacdo Colombia.

Laacibka sideeda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ka maqnaa sideedii kulanka ee horyaalka Mareykanka,
waxaana u sii dheer isagoo ka maqnaa kulamadii xulkiisa ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 bishan.

Aragtidaada ka dhiibo?

0 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 3 months ago

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi iyo cayaartoyga ay xifaaltamaan ee reer Portugal #CristianoRonaldo ayaa ka maqnaa liiska xiddigaha u sharaxan inay ku guuleystaan abaal marinta #Ballond’Or2024, taasoo ay ku dhawaaqday majaladda @FranceFootball oo ay ku jiraan 30 ciyaartoy.

Waa markii ugu horreysay oo labada xiddig ay si wada jir ah uga maqnaadaan liiska, muddo 21 sanno ah.

Tani sidoo kale waa markii labaad tan iyo 2005-tii xoo xiddiga kooxda reer Mareykan ee #InterMiami, uu ka maqan yahay liiska cayaartoyda u sharaxan in ay ku guuleystaan abaalmarinta shaqsiga ugu sharafta badan adduunka kubada cagta.

Dhinaca xiddiga reer Portugal oo 39 jir, oo isna ku biiray kooxda #Al-Nasr ee Sucuudiga 2023, ayaa ka maqnaa liiska sannadkii labaad oo isku xigta.

Aragtidaada ka dhiibo.

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 3 months ago

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa aaminsan in xiddiga Bayern Munich Thomas Muller uu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kooxda Bavarian iyo kubada cagta.

Guardiola ayaa ka tagay Bayern xagaagii 2016, ka dib markii uu kula guuleystay saddex horyaal iyo labo koob oo kuwa maxalliga ah.

Guardiola oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bavarian ayaa yiri “ma jiro ciyaaryahan kale oo la mid ah Thomas Muller”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda Bayern Munich iyo kubada cagta, ma ahan oo kaliya sababtoo ah koobab badan oo uu qaaday, laakiin sidoo kale sababtoo ah wuxuu diirada saarayaa marka ay kooxdiisu u baahan tahay”.

Fadlan aragtidaada ka dhiibo.

1 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 3 months ago

Saxaafadda Spain ayaa faallooyin ka qoray kulankii ugu dameeyay ee kooxda Real Madrid C.F. ay cayaartay horyaalka Spain, gaar ahaan waxa ay si gaar ah diiradda u saareen inuu dhammaaday isfahankii ka dhex jiray labada xidig uu kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Brazil waa Vinicius iyo Mbappe.

Vinicius Junior ayaa qaatay tallaabo lagu yareenayo cadaadiska saaran xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, kaas oo dhaliyay laba gool guushii Real Madrid Axadii ay ka gaareen kooxda martida u ahayd ee Real Betis Balompié, waana kulankii afaraad ee Horyaalka Kubadda Cagta Spain.

Kulankaas ayaa intii uu socday waxa ay kooxda Royal heshay rigoorem, waxaa na kooxda inta badan rigoorada u tuura ciyaaryahanka reer Brazil, laakin xiddigan ayaa u daayay saaxibkii Mbappe si uu booskiisa u galo.

Xiddiga reer Brazilian ayaa la arkayay isagoo la hadlaya Mbappe, oo leh, “Kylian, adiga ayaa tuuraya rigoorada!”

Aragtidaada ka dhiibo?🌟👇
Nagu soo biir @BidhaamiyeTV 🙌👇

3 - 0

Bidhaamiye TV
Posted 3 months ago

WAR DEG DEG AH: Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ay dowladdu leedahay ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah inay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea sababo la xiriira daruufo adag oo aysan sheegin.

Eritrea ayaa horay u sheegtay inay joojinayso dhammaan duulimaadyada Ethiopian Airlines dhamaadka bishan.

Duulimaadyada Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u billowday sannadkii 2018-dii, ka dib labaatan sano oo khadkaas uu go'naa.

Aragtidaada ka dhiibo

0 - 0